Dowladda Kenya ayaa muwaadiniinta u xaqiijisay in la xakameeyay weerar dhanka Internetka ah oo subaxnimadii Isniinta lagu qaaday dhowr wasaaradood.
Dhowr mareegaha ama wesit-yada dowladda ayaa si kumelgaar ah hawada looga waayay ka dib weerar ay qaadeen koox isku tilmaamtay PCP@Kenya.
War qoraal ah oo uu soo saaray 17-kii November, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Raymond Omollo, ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay habab u gaar ah si ay uga jawaabto shilalka noocaan oo kale ah oo ay u xakameyso xaaladda, iyadoo si dhow ula shaqeysa dadka ay khuseyso si loo yareeyo saameynta iyo soo celinta gelitaanka goobaha ay dhibaatadu saameysey.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa cambaareeyay falkan lagu jabsaday, wuxuuna sheegay inay xadgudub ku tahay shuruucda Kenya iyo heshiisyada caalamiga ah ee lagu dhaqmo, oo ay ka mid yihiin Xeerka Ku-takri-falka internet-ka iyo Dembiyada Internetka, Xeerka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Kenya, iyo Sharciga Ilaalinta Xogta.
Wasaaradaha la weeraray ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Tamarta, Shaqada iyo Biyaha.


