Kenya oo sheegtay in la dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay gelinkii dambe ee Talaadada kadib markii ay ciidamada gaarka ah ee Kenya Defence Forces (KDF) ku weerareen dhagax-maal (ambush) deegaanka Lacta Mangai ee ku yaalla gudaha kaynta ballaaran ee Boni, ee Lamu.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in kooxdan ay qorsheynayeen inay weeraraan saldhig ciidan oo ku yaalla aagga, hase ahaatee, ciidamada gaarka ah ayaa ka hortagay dhagartaas iyagoo ku socda howlgal xog-ogaal ah.

War kasoo baxay KDF ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay xero ku-meel-gaar ah oo ay kooxdaasi ka samaysteen gudaha kaynta, halkaas oo lagu dilay shantii xubnood, iyadoo qaar kalena dhaawac ku baxsadeen.

Inta lagu guda jiray hawlgalka, ciidamada ayaa soo qabtay hub iyo qalab fara badan oo ay kooxdu u adeegsanayeen weerarrada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Qoryaha AK-47,

Qalab RPG ah oo leh madaxyadooda,

Xabbado rasaas ah,

Qorraxda ku shaqeeya (solar panels),

Teendhooyin,

Iyo walxo lagu farsameeyo qaraxyada dhulka lagu aaso (IEDs).

Masuuliyiinta ayaa sheegay in kooxdaasi qorsheynaysay in ay qaraxyada ku aasaan waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada, si ay u geystaan khasaare culus oo dhimasho iyo burbur ah.

KDF ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay mid lagu sugayo amniga keynta Boni , kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, lana xaqiijiyo in qoysasku ku noolaadaan iyagoo aan cabsida argagixisada ka welwelin.

Ciidamada ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay soo gudbiyaan xog kasta oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada shaki leh, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab. Waxaa la sheegay in ciidamo dheeraad ah loo diray aagga, si loo burburiyo xerada kale ee ay kooxahaasi dhisanayaan.

Howlgalka cusub ayaa yimid iyadoo wali laga dareemayo cabsi ku saabsan isku dayga Al-shabaab ee ay kaga samaysanayaan saldhigyo gudaha kaynta Boni.

15-kii July 2025, saddex askari oo KDF ah ayaa lagu dilay, toddoba kalena waa lagu dhaawacay, kadib markii gaarigooda uu ku qarxay miino lagu aasay wadada Kiunga–Sankuri ee Lamu.

Howlgalka  ayaa weli socda, si gebi ahaanba looga xoreeyo Al-shabaab kaynta Boni iyo deegaanada ku xeeran.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles