Monday, June 8, 2026

Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania

Khilaaf dibloomaasiyadeed ayaa soo shaac baxay kadib markii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania ay ku eedeysay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya inay si sharci-darro ah ganacsato isugu jira Soomaali iyo Kenyan ugu qaaday safar ganacsi dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay iyada masuul uga tahay danaha dadka iyo dowladda Soomaaliya ee dalka Congo. Safaaradda ayaa ku dooday in wafdiga uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, uusan wax xog ah kala wadaagin safaaradda Tanzania oo ay tahay masuulka rasmiga ah ee Soomaaliya u qaabilsan dalka DRC Congo, taas oo lagu tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga diblomaasiyadda iyo habraacyada Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dhanka kale, Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa iyaduna soo saartay qoraal ay ku difaacayso safarka wafdiga ganacsatada. Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in wafdiga si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Kinshasa, isla markaana safarkoodu daba socday wada-hadallo iyo kulamo ganacsi oo muddo sanad ah socday, kuwaas oo ay soo qaban-qaabiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Kenya iyo tan DRC Congo ee fadhigeedu yahay Nairobi.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa ku nuuxnuuxsatay in safarkani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu fududeynayo ganacsiga iyo maalgelinta ganacsatada Soomaaliyeed ee ku baahaya qaaradda Afrika, iyadoo lagu xusay in Soomaaliya ku biiritaanka Ururka Bariga Afrika (EAC) uu dhiirrigeliyay fursadaha ganacsi ee ganacsatada Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in safaaradda Kenya ay hore ugu guuleysatay inay xabsiga ka soo dayso ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xiray gudaha DRC, taas oo ay ku tilmaantay guul muhiim u ah difaaca danaha ganacsatada Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hoggaaminayay Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda DRC, hay’adaha bixiya shatiyada ganacsiga, xarumaha dhaqaale, shirkadaha shidaalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi, iyagoo ka wada hadlay caqabadaha ganacsatada iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Khilaafkan diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada safaaradood ayaa soo bandhigay kala aragti duwanaansho dhanka mas’uuliyadda iyo habraaca shaqo ee ka dhex jira safaaradaha Soomaaliya ee qaaradda Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles