Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey Shirka Amniga Koofur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Koofur Galbeed iyo dardargelinta howlaha lagu sugayo nabadgelyada shacabka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada kala duwan kuwaas oo warbixinno ka siiyey Hogaamiyaha xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga.

Shirka ayaa lagu soo saaray go’aano la xiriira Amniga oo ay kamid yihiin in Askari aan wadanin Dareeska Ciidamada aan qori ku dhexwadan karin Gudaha Magaalada, in Baabuurta Dagaalka aan ku dhex socon Gudaha Magaalada hadaysan ku jirin Howlgal iyo in la bilaabi doono Howlgalo Qorshaysan oo lagu Furaayo Wadooyinka Degmooyinka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada si loo xaqiijiyo amni waara, isaga oo faray laamaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa lagu go’aamiyey in la xoojiyo howlgalada amniga, korna loo qaado iskaashiga ka dhexeeya ciidamada iyo shacabka si looga hortago falalka lidiga ku ah amniga, loona xaqiijiyo jawi amni oo ku habboon horumarka iyo adeegyada bulshada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles