Wednesday, April 1, 2026

Koox Burcad ah oo Sii Daayay Markab Kaluumaysi oo Laga Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in koox burcad ah ay ugu dambeyntii sii daayeen markab kalluumeysi oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya 27-kii November 2024.

Markabkan, oo ay saarnaayeen 18 shaqaale kana diiwaangashan dalka Shiinaha, ayaa u adeegayay shirkad kalluumeysi oo laga leeyahay Taiwan. Shirkaddan ayaa kalluunka u iibgeysa dalalka Spain iyo Talyaaniga, waxaana wakiil ka ahaa ganacsato ka soo jeeda Puntland.

Afduubka markabka ayaa ka dhacay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari. Tan iyo markii uu markabku gacanta u galay burcadda, waxaa socday wadahadallo adag oo u dhexeeyay ganacsatada markabka iska leh iyo kooxdii qafaashtay.

Kooxdii burcadda ahayd ayaa markii hore ku adkeysatay dalab madax-furasho ah oo gaaraya $10 milyan. Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada oo socday muddo dheer ayaa ugu dambeyn sababay in kooxdu ku qanacdo $2 milyan oo madax-furasho ah. Lacagtaas ayaa lagu bixiyay, taas oo horseedday sii daynta markabka.

Xeebaha Soomaaliya ayaa caan ku noqday afduubyada loo geysto maraakiibta caalamiga ah, inkastoo sannadihii dambe ay hoos u dhacday awooddii iyo saameyntii burcad-badeedda Soomaalida. Falalkan, oo saamayn ku yeeshay maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah, ayaa weli laga dareemayaa qeybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay wasiirada Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed...

Askar ka tirsan DFS oo Nabadoon ku dilay deegaanka Lambar 50

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Xulka Qaranka kaddib guul taariikhi ah oo ay ka gaareen AFCON 2027

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo...

Trump oo war cusub ka soo saaray dagaalka Iran

Madaxweyne Trump ayaa u sheegay weriyayaasha in Maraykanku uu...

NISA oo burburisay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellooyinka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles