Wednesday, March 12, 2025

Koox Burcad ah oo Sii Daayay Markab Kaluumaysi oo Laga Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in koox burcad ah ay ugu dambeyntii sii daayeen markab kalluumeysi oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya 27-kii November 2024.

Markabkan, oo ay saarnaayeen 18 shaqaale kana diiwaangashan dalka Shiinaha, ayaa u adeegayay shirkad kalluumeysi oo laga leeyahay Taiwan. Shirkaddan ayaa kalluunka u iibgeysa dalalka Spain iyo Talyaaniga, waxaana wakiil ka ahaa ganacsato ka soo jeeda Puntland.

Afduubka markabka ayaa ka dhacay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari. Tan iyo markii uu markabku gacanta u galay burcadda, waxaa socday wadahadallo adag oo u dhexeeyay ganacsatada markabka iska leh iyo kooxdii qafaashtay.

Kooxdii burcadda ahayd ayaa markii hore ku adkeysatay dalab madax-furasho ah oo gaaraya $10 milyan. Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada oo socday muddo dheer ayaa ugu dambeyn sababay in kooxdu ku qanacdo $2 milyan oo madax-furasho ah. Lacagtaas ayaa lagu bixiyay, taas oo horseedday sii daynta markabka.

Xeebaha Soomaaliya ayaa caan ku noqday afduubyada loo geysto maraakiibta caalamiga ah, inkastoo sannadihii dambe ay hoos u dhacday awooddii iyo saameyntii burcad-badeedda Soomaalida. Falalkan, oo saamayn ku yeeshay maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah, ayaa weli laga dareemayaa qeybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte oo la xiray – Maxaa lagu haystaa

Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Talaadada maanta...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 11/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday askar ku soo dhaawacanta hawlgalka Khawaarijta ka dhanka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddiga madax bannaan ee doorashooyinka oo shahaado guddoonsiiyay ururka midowga Soomaaliya

Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha hirshabeelle oo si adag u cambaareeyay weerarkii argagixisada ee ka dhacay Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles