Tuesday, February 17, 2026

Kooxo Falastiiniyaan ah oo isku raacay samaynta guddi kumeel gaar ah oo maamula Gaza

Kooxaha falastiiniyiinta oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar ayaa isku raacay dhowr tallaabo oo siyaasadeed iyo mid maamul oo la xiriira mustaqbalka Marinka Gaza, waxaana ugu muhiimsan in la sameeyo guddi ku meel gaar ah oo falastiiniyiin ah oo ka kooban dad madax-bannaan oo maamula arrimaha Marinka iyo baaqa qaraarka Golaha Ammaanka si loo geeyo ciidamo ku meel gaar ah oo Qaramada Midoobay ka socda si ay ula socdaan xabbad joojinta.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen ka-qaybgalayaashu, waxay kooxuhu ku caddeeyeen inay taageerayaan sii wadida fulinta tallaabooyinka heshiiska xabbad-joojinta, oo ay ku jiraan ka bixitaanka ciidammada Israa’iil ee Marinka Gaza, in gebi ahaanba la qaado xannibaadda, furitaanka dhammaan marinada, gaar ahaan isgoyska Rafah, gelitaanka gargaarka bini’aadinimo iyo caafimaadka, iyo bilowga dib-u-dhiska guud ee dadka deggan si loo soo afjaro hab-socodka dib-u-dhiska nolosha caadiga ah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in “guddi ku meel gaarka ah”, oo ka koobnaan doona farsamoyaqaanno madaxbannaan oo ka socda Marinka Gaza, ay maamuli doonaan arrimaha madaniga ah iyo kuwa adeegga iyagoo kaashanaya tiro ka mid ah dalalka Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah, oo ku salaysan “daah-furnaan iyo isla xisaabtanka qaranka.” Bayaanka ayaa sidoo kale lagu qeexay in la sameeyo guddi caalami ah oo kormeera maalgelinta iyo hirgelinta hannaanka dib u dhiska.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo ku baaqay in Bisha Ramadaan loo gurmado dadka danta yar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal...

Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqay in Berri ay tahay Ramadaan

Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi...

Madaxweyne xasan sheekh oo kulan la qaatay xubnaha golaha mustaqbalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Fiqi iyo masuuliyiin kale oo maanta tagay Shabeellada Hoose

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles