Wednesday, March 4, 2026

Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo laga hor istaagay ka qeybgalka Kalfadhiga Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas, ayaa laga hor istaagay inuu ka qeybgalo kalfadhiga guud ee Qaramada Midoobay ee bisha soo socota ka dhacaya New York, kadib markii isaga iyo 80 mas’uul Falastiini ah lagala laabtay fiisayaashii ay ku tegi lahaayeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiintaas inay carqaladeeyeen dadaallada nabadda isla markaana ay doonayaan “in si kali-talisnimo ah loo aqoonsado dowlad Falastiini ah oo aan la xaqiijin karin.”

Go’aankan oo ay soo dhoweysay Israa’iil ayaa ah mid aan caadi ahayn, maadaama Mareykanka laga filaayay inuu fududeeyo socdaalka mas’uuliyiinta dal kasta oo doonaya inuu booqdo xarunta Qaramada Midoobay.

Xayiraaddan ayaa timid iyadoo Faransiisku hogaaminayo dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado dowlad Falastiin leedahay inta lagu guda jiro kalfadhiga dhacaya, tallaabadaan oo si adag uu uga soo horjeeddo maamulka Donald Trump.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles