Friday, July 10, 2026

Madaxweynaha Hirshabelle oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Hay’Adda Unicef (Sawiro)

Wafdi uu hoggaaminayo ku-simaha Madaxa Unicef ahna Madaxa barnaamijyada Naser Sayid ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Ugu horeyn masuuliyiinta Hay’adda Unicef ayaa kormeeray Xarunta Caafimaad ee Kulmis iyo Isbitaalka Guud ee magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu dambeyn xarunta madaxtooyadda ku qaabilay wafdiga Hay’adda Unicef.

Ku-simaha Madaxa Hay’adda Unicef Naser Sayid ayaa ku boogaadiyey Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle garab-istaaga bulshada nugul.

“Kaalin shaqo oo weyn ayaa ka dhaxeyso Hirshabeelle iyo Unicef, soo gaaristiina Jowhar ayaana ka turjumeyso.” Waxaa sidaasi yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyey Unicef iyo Hay’addaha kale taageeradooda ku aadan shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Isgaarsiinta oo Geneva kaga qaybgalay shir looga hadlayo horumarinta Dhijitaalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo Muhiim ah

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

M/weyne Xasan Shiikh oo ka qeybgalaya tababar loo soo xiray saraakiil cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Kuuriyada Waqooyi oo xoojinaysa nukliyeerkeeda iyo ciidamadeeda

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in dalkaasi uu...

Toogasho ka dhacday meel u dhow goobta lagu aasay hoggaamiyihii hore ee Iiraan

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles