Madaxweynaha xasan oo ka qeyb-galay Shirka Qiimaynta Horumarka Nidaamyada Cuntada ee Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shirka Qiimaynta Horumarka Nidaamyada Cuntada ee Qaramada Midoobey (UN Food Systems Summit) oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madashan ayaa soo bandhigay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka cunto-yarida, isbeddelka cimilada iyo horumarinta nidaamyada cunto ee waara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey in Soomaaliya ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada, taas oo horseedday in malaayiin qof ay wajahaan cunto-yari, waxa uuna adkeeyay in horumarinta nidaamka wax-soosaarka dalagga iyo xoolaha uu yahay lagama maarmaan si looga gudbo duruufaha nololeed.

“Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha, waxay si cad u qeexaysaa ahmiyadda ay leeyihiin hagaajinta maamulka, kordhinta wax-soosaarka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga beeraha, iyo xoojinta awoodda hay’adaha. Waxaan aaminsanahay in beeruhu aysan kaliya dadka quudin, balse ay sidoo kale abuurayaan shaqooyin, xoojinayaan nabadda, islamarkaana ay Soomaaliya u diyaarinayaan mustaqbal ifaya”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay qorshaha Dowladda Federaalka ee ku saleysan ee Dib-u-dhiska (National Transformation Plan), kaas oo mudnaanta siinaya horumarinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha miyiga, iskaashiga dowlad iyo ganacsatada, dhisidda nidaamyo suuq-geyn ah oo xoojinaya isku xirnaanta beeraleyda, suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

“Sugnaanta cunnadu waa nabad dhisid, isbeddelka beerahana waa dhisidda qaran. Maalgashi kasta oo lagu sameeyo waa maalgashi lagu dhisayo nabad waarta iyo koboc dhaqaale oo loo siman yahay”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay xoojiyaan garab istaagga Soomaaliya, iyagoo taageero siinaya kaabeyaasha wax-soo-saarka, dhaqaalaha cagaaran iyo hirgelinta tiknoolojiyadda casriga ah ee dhanka beeraha si loo abuuro nidaamyo cunto oo dadka Soomaaliyeed ay si buuxda uga faa’iidaystaan.

 

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles