Thursday, September 18, 2025

Madaxweynahe Xasan Sheekh oo Ku soo Bandhigay Shirka Islaamka dalalka Carabta Mowqifka Somalia Ee Ka Dhanka ah Xadgudubyada Yuhuuda Ee Dalalalka carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaas oo looga hadlayey weerarkii Israa’iil ay ku qaaday dalkaas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Yuhuuddu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, waxa uuna soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannadii Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

 

WARARKII KALE

Ruushka oo ku faanay in uu horumar ka sameeyay dagaalka Ukraine

Sarkaal sare oo Ruushiyan ah ayaa booqday meelo ay...

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles