Tuesday, August 18, 2026

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada Qadar kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka dalkaasi Mudane Tamim bin Xamad Al Thani.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu kulanku socday waxa uu la wadaagay Amiirka dalka Qadar sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba la aqbali karin in lagu xadgubo madaxbannaanida, sharafka iyo amniga Dowladda Qadar.

Dhankiisa, Amiir Tamim ayaa uga mahadceliyay Madaxwaynaha  garab-istaagga iyo taageerada walaalnimo ee ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Qadar, isaga oo sidoo kale ka dhawaajiyay ahmiyadda xiriirka iyo iskaashiga qotoadadheer ee ka dhexeeya labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles