Tuesday, June 23, 2026

Madaxweynahe Xasan Sheekh oo Ku soo Bandhigay Shirka Islaamka dalalka Carabta Mowqifka Somalia Ee Ka Dhanka ah Xadgudubyada Yuhuuda Ee Dalalalka carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaas oo looga hadlayey weerarkii Israa’iil ay ku qaaday dalkaas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Yuhuuddu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, waxa uuna soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannadii Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles