Tuesday, August 18, 2026

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Saldhigga degmada Hodan ay gacanta ku soo dhigeen afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay falal khatar gelinaya amniga waddooyinka iyo badqabka bulshada.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabay:

  1. C/Risaaq Maxamed Faarax
  2. Najiib C/llaahi Mire
  3. Feysal Cismaan Maxamed
  4. C/maalik Maxamuud Daahir

Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay muuqaallo khatar ku ah naftooda iyo tan bulshada ku faafiyeen barta TikTok, iyagoo isku dhigayay gaadiidka waddooyinka maraya, taas oo sababi karta shilal iyo khasaare naf iyo maalba leh.

“Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale, Booliska ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ku kacda falal khatar gelinaya amniga iyo badqabka bulshada, iyagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono, si waafaqsan sharciga dalka.

Warkan ayaa ku soo aadaya xilli xalay ciidamada Booliska ay sidoo kale soo xireen dhalinyaro Tiktokers ah oo lagu eedeeyay aflagaado ay u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles