Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Saldhigga degmada Hodan ay gacanta ku soo dhigeen afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay falal khatar gelinaya amniga waddooyinka iyo badqabka bulshada.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabay:

  1. C/Risaaq Maxamed Faarax
  2. Najiib C/llaahi Mire
  3. Feysal Cismaan Maxamed
  4. C/maalik Maxamuud Daahir

Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay muuqaallo khatar ku ah naftooda iyo tan bulshada ku faafiyeen barta TikTok, iyagoo isku dhigayay gaadiidka waddooyinka maraya, taas oo sababi karta shilal iyo khasaare naf iyo maalba leh.

“Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale, Booliska ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ku kacda falal khatar gelinaya amniga iyo badqabka bulshada, iyagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono, si waafaqsan sharciga dalka.

Warkan ayaa ku soo aadaya xilli xalay ciidamada Booliska ay sidoo kale soo xireen dhalinyaro Tiktokers ah oo lagu eedeeyay aflagaado ay u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles