Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban, kadib markii gacanta lagu soo dhigay dhallinyaro muddooyinkii dambe baraha bulshada ku faafinayay muuqaallo iyo qoraallo liiddi ku ah sharafta qaranka.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gashaanle Cabdi Fitaax Aadan Xasan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono qof kasta oo ku kaca falalka sumcad-xumeynta iyo aflagaadeynta madaxda qaranka, iyo kuwa ku xadgudba diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa yiri“Cid kasta oo isticmaasha baraha bulshada waxaa la farayaa in ay ka feejignaadaan waxyaabaha xadgudubka ku ah diinteenna suuban iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Qof kasta oo maanta kadib lagu arko falalkaas, sharciga ayaa lagu dabaqi doonaa.”

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa u mahadceliyay Taliska Guud ee Booliiska Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu eedeeyay aflagaado madaxda qaranka iyo anshax xumo, kuwaas oo hadda xiran isla markaana la horgeyn doono hay’adaha cadaaladda.

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa horey uga digtay dadka ku xadgudba anshaxa iyo sharciga, iyagoo adeegsanaya baraha bulshada, iyadoo lagu wargeliyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falalkaas.

WARARKII KALE

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles