Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta oo maanta ka furmaya Qadar iyo Go’aan culus oo laga sugayo

Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha hoggaamiyeyaasha wadamada Islaamka iyo Carabta, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saarayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay gudaha Qadar iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarkaasi.

Shirkan oo indhaha caalamka oo dhan kusii jeedaan, ayaa lagu wadaa in dalalka Islaamka iyo Carabta ay si buuxda u muujiyaan mowqifkooda ku aaddan weerarrada Israa’iil iyo in la qaato go’aan mideysan oo jawaab adag ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa, isagoo halkaas kaga qaybgalaya shirweynaha. Inta uu socdo shirka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qaybgalaya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu caddeynayo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay door muuqda ku yeelato arrimaha Islaamka iyo kuwa Carabta, gaar ahaan xoojinta midnimada iyo wadajirka.

Shirka maanta furmay ayaa waxaa ka horeeyay kulan ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu falanqeeyay weerarkii Israa’iil ay ka geysatay magaalada Dooxa iyo xaaladda guud ee dalalka Carabta, oo muddo dheer aan tallaabo mideysan ka qaadin xasuuqa ka socda Qasa.

Waxaa hadda si weyn loo sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ay kasoo saari doonaan duqeyntii Israa’iil ku qaaday gudaha dalka Qatar, gaar ahaan xubnihii Ururka Xamaas ee halkaasi ku sugnaa.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles