Wednesday, June 17, 2026

Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta oo maanta ka furmaya Qadar iyo Go’aan culus oo laga sugayo

Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha hoggaamiyeyaasha wadamada Islaamka iyo Carabta, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saarayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay gudaha Qadar iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarkaasi.

Shirkan oo indhaha caalamka oo dhan kusii jeedaan, ayaa lagu wadaa in dalalka Islaamka iyo Carabta ay si buuxda u muujiyaan mowqifkooda ku aaddan weerarrada Israa’iil iyo in la qaato go’aan mideysan oo jawaab adag ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa, isagoo halkaas kaga qaybgalaya shirweynaha. Inta uu socdo shirka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qaybgalaya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu caddeynayo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay door muuqda ku yeelato arrimaha Islaamka iyo kuwa Carabta, gaar ahaan xoojinta midnimada iyo wadajirka.

Shirka maanta furmay ayaa waxaa ka horeeyay kulan ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu falanqeeyay weerarkii Israa’iil ay ka geysatay magaalada Dooxa iyo xaaladda guud ee dalalka Carabta, oo muddo dheer aan tallaabo mideysan ka qaadin xasuuqa ka socda Qasa.

Waxaa hadda si weyn loo sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ay kasoo saari doonaan duqeyntii Israa’iil ku qaaday gudaha dalka Qatar, gaar ahaan xubnihii Ururka Xamaas ee halkaasi ku sugnaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles