Tuesday, August 18, 2026

Maxaa ka soo kordhay ninka ku eedeysan dilkii Charlie Kirk?

Guddoomiyaha gobolka Utah, Spencer Cox, ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in ninka looga shakisan yahay dilka Charlie Kirk “uusan wax wada shaqeyn ah la sameynayn” mas’uuliyiinta, isla markaana uusan qiran inuu isagu geystay toogashada.

Eedeysane Tyler Robinson, oo 22 jir ah, ayaa la qabtay 33 saacadood ka dib markii Kirk, oo ahaa dhaqdhaqaaqe garab midig ah oo 31 jir ahaa, lagu toogtay laguna dilay magaalada Orem Arbacadii.

Cox, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga (Republican), ayaa u sheegay ABC News in dadka u dhow Mr. Robinson ay gacan ka geysanayaan baaritaanka.

Cox wuxuu ka soo muuqday warbaahino kala duwan oo Mareykan ah Axadii, wuxuuna sidoo kale muujiyay welwelkiisa ku saabsan baraha bulshada kadib dhimashada Kirk.

Guddoomiyaha waxaa sidoo kale la weydiiyay warbixin ay qortay New York Times oo sheegtay in Mr. Robinson uu la hadlay dad kale toogashada kadib isaga oo isticmaalaya barta fariimaha ee Discord, iyadoo la sheegay inuu ku kaftamayay inuu isagu ahaa ninkii toogtay.

Cox ayaa u sheegay ABC News: “Waxaan xaqiijin karnaa in wada hadalladaas ay socdeen, mana aysan aaminsaneyn inuu isaga ahaa.”

“Waxay ahayd kaftan, ilaa uu isagu ka qirto inuu isaga ahaa.” Mr. Robinson ayaa la xiray Khamiistii ka dib markii uu isku dhiibay booliska.

Xigasho:-BBC

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles