Tuesday, August 18, 2026

Booliska oo xabsiga dhigay dhalinyaro u geftay MW Xasan Sheekh

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhallinyaro ah oo ku eedeeysan inay aflagaado iyo gef cad u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Booliska

Dhallinyaradan xabsiga la dhigay oo magacyadooda lagu sheegayCumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan, iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim, ayaa Tiktok ku baahiyay muuqaallo gef ku ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo si cad ugu gafaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo dhaawacaysa sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmareysa Dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Booliiska Soomaaliyeed ayaa bulshada ku baraarujiyay inay ka fogaadaan falalka marin habaabinta, aflagaadada iyo ku xadgudubka sharafta hay’adaha qaranka, iyadoo cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed noocan ah loogu hanjabay in laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles