Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbul ku soo bandhigay guusha sahminta shidaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Istanbuul ku qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay si gaar ah u yeesheen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu ku saleysan yahay difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo kor u qaadista nolasha shacabka Soomaaliyeed.

“Annagoo ka shaqeyneyna ka difaacidda dalkeenna kuwa doonaya in ay ku xadgudbaan madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa, haddana taasi nagama mashquulineyso in aan ka shaqeyno soo saarista khayraadka dalka oo shidaalku ka mid yahay, si shacabkeennu u gaaro horumar iyo barwaaqo”.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa ku dhawaaqay in natiijooyin rajo-gelin ah laga gaaray sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee badaha Soomaaliya, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo ku wajahan soo kabashada dhaqaale, abuurista shaqooyin iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.

“Sidii aan horay u ballan qaadnay waxaan u howl galnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalkeenna oo shidaalku ugu horreeyo. Alla mahaddii maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna. Waa guul weyn oo taariikhi ah”.

“Guusha sahminta shidaalka waa guul qaran oo taariikhi ah, waxayna fure u tahay dib-u-dhiska qaranka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kheyraadka dabiiciga ah uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulkiisu uu ku dhisnaan doono isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha mustaqbalka.

Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Türkiye uga go’an tahay garab-istaagga Soomaaliya, isaga oo yiri:

“Waxaa naga go’an adkeynta madax-bannaanida Soomaaliya iyo in aan si wadajir ah uga shaqeyno ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda si horumar dhab ah loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya ay ku socoto waddo isku dheellitiran oo lagu difaacayo midnimada qaranka, lagula dagaallamayo argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo horumar dhaqaale iyo nolol ka wanaagsan tan maanta.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles