Madaxweyne Cirro oo kormeeray Suuqa Idaacada oo xalay gubtay

Dab xooggan oo geestay khasaaro badan oo hantiyadeed ayaa xalay qabsaday suuqa Idaacadda ee kuyaalla magaalada Hargeysa, waxaana saacado badan uu dabka socday kaddib lagu guuleestay in dabkaasi la damiyo inta uusan ku faafin xarumo dowladeed oo suuqa ku dhaw.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, Wasiirro katirsan maamulka Somaliland iyo masuuliyiin kale , ayaa saakay kormeer ku tagay suuqa Idaacadda oo xalay ka kacay dab xooggan oo khasaaro kasoo gaaray ganacsato badan.

Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay suuqa gubtay ayaa uga tacsiyadeeyay dadkii ku hanti beelay, waxa uuna ilaahey dadkaasi uga baryay in uu siiyo baddel kheyr leh, waxa uuna ballanqaaday in maamulkiisa ay garab taagan tahay dadkii xalay hanti beelay.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in maamulkiisa ku dedaalayo sidii xal loogu heli dabka inta badan qabsada suuqayada Hargeysa, waxa uuna xusay in ay soo dhaweenayaan cid kasta oo gacan siineysa ganacsatadii xalay ku hanti beelay dabkii suuqa Idaacadda.

Suuqan xalay gubtay ayaa ah kan labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somliland, waxaana suuqaan la sheegay inta badan in ay ku ganasan jireen dad u badan danyar , kuwaa oo nolol maalmeedkooda ka raadsan jiray.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles