Tuesday, June 16, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniintii amni ee Mareykanka ku tilmaamay mid Al-shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Jimcada kula tukaday masuuliyiinta Dowladda iyo shacabka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ee ka socda deegaanada ka tirsan Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee Halyeeyada Ciidamada Qaranku ay ka soo hoynayaan howlgallada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan argagixisadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wararka maalmahan socda ee la xiriira in Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysanayaan weeraro ay yihiin Borobagaando ay sameysatay Al-shabaab iyagoo helay dad Soomaali ah iyo kuwa Ajnabi ah oo fariintooda gudbiya

“Magaalada Muqdisho ayadoo Qaraxyadu ka dhacayaan, Saraakiisha Dowladda maalin walba ladilo ayaan la joojin jirin Duulimaadyada oo ay maalin walba imaan jireyn maxeey tahay Qatarta maanta dhacday oo Diyaaradaha loo joojiyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dalkaan khatar kama jiro, mana jirto degmo horay loo xoreeyey oo AS dib nooga qabsatay, cir iyo dhul ayaan ka duqaynaynaa, Ma aqbaleeyno siyaasiyiinta iyo Dowladaha shisheeye ee Dadkeena Cabsi Galinaayo”

Hadalka Madaxweynaha ayaa jawaab u ah digniin ay soo saartay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho taasi oo sheegeysay in Al-shabaab ay qorsheynayaan weeraro qaraxyo ah oo ay ka fuliyaan goobo ay kamid yihiin Garoonka Aadan Cade.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa eedeymo culus u...

Xamaas oo si Kulul uga Hortimid Qorshaha Safaaradda Somaliland ee Qudus

Ururka Xamaas ayaa si adag u cambaareeyay qorshaha Madaxweynaha...

Xuutiyiinta Yemen oo si Kulul uga Hadlay Safarka Cirro ee Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si adag uga hortimid booqashada...

DFS oo Taliye u Magacaawday Qeybta 54-aad ee CXD ee Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay si rasmi...

Golaha Mustaqbal oo Magacaabay Guddi Farsamo oo ka Shaqeynaya Wada-hadallada DF iyo Mucaaradka

Golaha Mustaqbal ayaa magacaabay guddi farsamo oo loo xil...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles