Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo la ogaaday inay tababar drones ah ku qaateen Dalka Yemen

Warbixin uu baahiyay wargeyska Yemen Online ayaa lagu sheegay in dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ay tababarro la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaateen gobolka Sacda ee waqooyiga Yemen.

Sida lagu sheegay warbixinta, tababarkan waxaa bixiyay xubno ka tirsan Xuutiyiinta, iyadoo dagaalyahannada Al-Shabaab lagu baray dhinacyo kala duwan oo la xiriira adeegsiga iyo farsamada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Warbixintu waxay xustay in tababarka uu diiradda saarayay isku-ururinta drones-ka, habraacyada hawlgelintooda iyo nidaamyada hagista iyo kontoroolka. Arrintan ayaa lagu tilmaamay qayb ka mid ah xiriirro dhinaca tababarka iyo farsamada ah oo la sheegay inay ka dhexeeyaan Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen.

Yemen Online ayaa sidoo kale sheegtay in tababarka lagu qabtay deegaanno ka tirsan gobolka Sacda, oo ah deegaan ay gacanta ku hayaan Xuutiyiintu, kuwaas oo dagaal kula jira dowladda Yemen iyo xoogagga taageera.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xiriirka u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta uu noqday mid soo jiitay dareenka dhinacyada ammaanka ee gobolka, gaar ahaan sababo la xiriira isticmaalka sii kordhaya ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka casriga ah ee ay adeegsadaan kooxaha hubeysan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Sida ay qortay warbaahinta Bloomberg Itoobiya ayaa ciidamadeeda kala...

UK oo DF iyo Laftagareen ugu baaqday in ay wadahadlaan, iyo inay xakameeyaan xiisadda Baydhabo

Dowladda Britain ayaa walaac ka muujisay colaadda iyo iska...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW ku xigeenka Puntland ““Puntland kama go’eyso Soomaaliya”

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka...

DFS oo diyaarisay qorshihii lagu weerari lahaa ciidanka Lafta gareen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulan ka dhacay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles