War saxaafadeed ka soo baxya Waaxda Maaliyadda Mareykanka u qaabilsan Maalgelinta Argagixisada Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka howlgasha gudaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay maalgelinta iyo taageeridda kooxda Argagixisada.
“Olole naxariis darro ah oo Al-Shabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed, sida lacagaha qasabka ah ee laga qaado beeralayda iyo afduubka shacabka, ayaa wali wiiqaya xasilloonida guud ee gobolka, Tallaabada adag ay qaadday TFTC waxaa loogu talagalay in lagu jaro xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay nidaamyada dhaqaalaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, kuwaas oo ay ku tiirsan tahay si ay u maalgeliso rabshadaha, u qorshayso weerarrada, una joogteyso howlgalladeeda.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay ” Waaxda arrimaha maal-gelinta argagixisada ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka.