Dowladda Mareykanka ayaa markale diiday inay wax taageero ah ku bixiso howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), taasoo su’aal galineysa sii socoshada joogitaanka ciidamadaas. Ilo diblomaasiyeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Mareykanku joojiyay taageeradii uu siin jiray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.
Mareykanka ayaa horey u bixin jiray mushaharka, saadka, sahayda iyo tababarada ciidanka DANAB, balse sanadkii 2024 ayaa si tartiib tartiib ah loo yareeyay taageeradaas, kadib markii lagu eedeeyay in hoggaamiyaal ka tirsan DANAB ay musuqmaasuqeen raashinka iyo sahayda ciidamada. Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay wax ka qabashada arrintaas.
“Canshuur bixiyeyaasha Mareykanka ma aqbali karaan in lacagtooda lagu maalgeliyo musuqmaasuq. Mas’uuliyadda fashilkaas waxay dusha ka saaran tahay hoggaanka DANAB,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay guddiga.
Inkasta oo Mareykanku sheegay inuusan gebi ahaanba ka tanaasuleyn dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, haddana talaabadan waxay dhabar jab weyn ku tahay dadaallada amniga Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay ciidamada ATMIS qorsheynayaan inay dalka isaga baxaan.
Arrintan ayaa dhalisay walaac weyn oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka la dagaalanka argagixisada iyo sida ay dowladda Soomaaliya u maareyn doonto amniga iyadoo taageero dibadeed ay sii yaraaneyso.
Lama oga talaabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya, xili Mareykanka uu dhawaan sidoo kale sheegay inuu ka horyimid inuu dhaqaale ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.
Ciidanka sida gaarka u tababarran ee Danab waa mid ka mida kuwa ugu muhimsan dagaallada dowladdu xilligan kula jirto ururka Al-shabaab ee ka socda gobollada dalka
Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.
Dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii billowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.
Ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.
Kumaandooska Danab waxaa saldhigga Balidogle ku tababara ciidamada Mareykanka ee ku sugan goobtaas, kana tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.