Wednesday, March 4, 2026

Mareykanka oo dhaqaalaha ka joojiyay Danab, kadib musuq maasuq lagu eedeeyay

Dowladda Mareykanka ayaa markale diiday inay wax taageero ah ku bixiso howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), taasoo su’aal galineysa sii socoshada joogitaanka ciidamadaas. Ilo diblomaasiyeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Mareykanku joojiyay taageeradii uu siin jiray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

Mareykanka ayaa horey u bixin jiray mushaharka, saadka, sahayda iyo tababarada ciidanka DANAB, balse sanadkii 2024 ayaa si tartiib tartiib ah loo yareeyay taageeradaas, kadib markii lagu eedeeyay in hoggaamiyaal ka tirsan DANAB ay musuqmaasuqeen raashinka iyo sahayda ciidamada. Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay wax ka qabashada arrintaas.

“Canshuur bixiyeyaasha Mareykanka ma aqbali karaan in lacagtooda lagu maalgeliyo musuqmaasuq. Mas’uuliyadda fashilkaas waxay dusha ka saaran tahay hoggaanka DANAB,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay guddiga.

Inkasta oo Mareykanku sheegay inuusan gebi ahaanba ka tanaasuleyn dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, haddana talaabadan waxay dhabar jab weyn ku tahay dadaallada amniga Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay ciidamada ATMIS qorsheynayaan inay dalka isaga baxaan.

Arrintan ayaa dhalisay walaac weyn oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka la dagaalanka argagixisada iyo sida ay dowladda Soomaaliya u maareyn doonto amniga iyadoo taageero dibadeed ay sii yaraaneyso.

Lama oga talaabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya, xili Mareykanka uu dhawaan sidoo kale sheegay inuu ka horyimid inuu dhaqaale ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.

Ciidanka sida gaarka u tababarran ee Danab waa mid ka mida kuwa ugu muhimsan dagaallada dowladdu xilligan kula jirto ururka Al-shabaab ee ka socda gobollada dalka

Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii billowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.

Ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.

Kumaandooska Danab waxaa saldhigga Balidogle ku tababara ciidamada Mareykanka ee ku sugan goobtaas, kana tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles