Mareykanka oo eedeyn u jeediyay Israa’iil

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa dhaliil u jeediyay Israa’iil, isagoo si cad u sheegay Netanyahu iyo siyaasiyiinta garabka middig inaysan xataa awood u lahayn difaaca Israa’iil.Waxaa kaloo uu si adag u diiday weerarrada ay Israa’iil ka fuliso Lubnaan oo u sheegay in rayid badan lagu waxyeelleeyo.

Isagoo si gaar ah uga hadlay wasiirrada garabka midig ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich, kuwaas oo dhaliilay heshiiska Mareykanka uu la gaaray Iiraan

“Waxaan arkay Ben-Gvir iyo Smotrich oo heshiiska weeraraya. Jawaabtaydu waxay tahay: Maxay tahay qorshihiinnu? Waxaad tihiin dal ay ku nool yihiin 9 milyan oo qof. Ma ku xallin kartaan dhibaato kasta oo amni inaad dad dishaan? .”

Vance wuxuu sidoo kale uga digay Israa’iil inay khalad istiraatiiji ah tahay inay weerarto ama ka hor timaaddo saaxiibka ugu awoodda badan ee weli garab taagan oo uu ula jeedo Mareykanka.

Wuxuu yiri:

“Labadii meelood saddex meel hubkii Israa’iil difaacayay saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa dhisay oo lagu bixiyay kharashkiisa shacabka Mareykanka ee canshuur-bixiyeyaasha ah.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Dhibaatada ugu weyn ee Israa’iil ma aha Donald Trump. Qof kasta oo Israa’iil jooga oo u malaynaya in dhibaatadiisa ugu weyn uu yahay Madaxweynaha Mareykanka waa inuu xaqiiqada wajaho.
Trump waa saaxiibka ugu awoodda badan ee Israa’iil haysato”

“Donald Trump waa hoggaamiyaha keliya ee dunida ee Israa’iil ay ka heli karto inuu taageerro, cid kale ma heli karaan…Haddii aan ka tirsanaan lahaa golaha wasiirrada Israa’iil, ma weerareen saaxiibka ugu awoodda badan ee aan dunida ku leeyahay.”

Markii wax laga weydiiyay warar sheegaya in Netanyahu uu ka xanaaqsan yahay wada-hadallada Mareykanka iyo Iiraan, wuxuu yiri:

“Waxaan arkay warbixintaas, laakiin waligii Netanyahu wax uu ka sheegayo arrintan kama maqal . Waxaa laga yaabaa inuu dad kale wax u sheegayo oo uusan aniga ii sheegin.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles