Saturday, June 20, 2026

Mareykanka oo eedeyn u jeediyay Israa’iil

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa dhaliil u jeediyay Israa’iil, isagoo si cad u sheegay Netanyahu iyo siyaasiyiinta garabka middig inaysan xataa awood u lahayn difaaca Israa’iil.Waxaa kaloo uu si adag u diiday weerarrada ay Israa’iil ka fuliso Lubnaan oo u sheegay in rayid badan lagu waxyeelleeyo.

Isagoo si gaar ah uga hadlay wasiirrada garabka midig ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich, kuwaas oo dhaliilay heshiiska Mareykanka uu la gaaray Iiraan

“Waxaan arkay Ben-Gvir iyo Smotrich oo heshiiska weeraraya. Jawaabtaydu waxay tahay: Maxay tahay qorshihiinnu? Waxaad tihiin dal ay ku nool yihiin 9 milyan oo qof. Ma ku xallin kartaan dhibaato kasta oo amni inaad dad dishaan? .”

Vance wuxuu sidoo kale uga digay Israa’iil inay khalad istiraatiiji ah tahay inay weerarto ama ka hor timaaddo saaxiibka ugu awoodda badan ee weli garab taagan oo uu ula jeedo Mareykanka.

Wuxuu yiri:

“Labadii meelood saddex meel hubkii Israa’iil difaacayay saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa dhisay oo lagu bixiyay kharashkiisa shacabka Mareykanka ee canshuur-bixiyeyaasha ah.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Dhibaatada ugu weyn ee Israa’iil ma aha Donald Trump. Qof kasta oo Israa’iil jooga oo u malaynaya in dhibaatadiisa ugu weyn uu yahay Madaxweynaha Mareykanka waa inuu xaqiiqada wajaho.
Trump waa saaxiibka ugu awoodda badan ee Israa’iil haysato”

“Donald Trump waa hoggaamiyaha keliya ee dunida ee Israa’iil ay ka heli karto inuu taageerro, cid kale ma heli karaan…Haddii aan ka tirsanaan lahaa golaha wasiirrada Israa’iil, ma weerareen saaxiibka ugu awoodda badan ee aan dunida ku leeyahay.”

Markii wax laga weydiiyay warar sheegaya in Netanyahu uu ka xanaaqsan yahay wada-hadallada Mareykanka iyo Iiraan, wuxuu yiri:

“Waxaan arkay warbixintaas, laakiin waligii Netanyahu wax uu ka sheegayo arrintan kama maqal . Waxaa laga yaabaa inuu dad kale wax u sheegayo oo uusan aniga ii sheegin.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Aadan Madoobe oo maanta wareejiyay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

DF oo war ka soo saartay dagaalka Jalalaqsi iyo wafdi nabadeed oo loo diray degmada

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal beeleedka...

Ciidanka xoogga oo Jubbada Hoose ku qabtay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal...

RW Xamsa oo daahfuray Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

QoorQoor iyo Mahad Salaad oo wada-hadallo ugu socda Dhuusamareeb 

Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles