Tirada dhimashada weerarkii Niger oo korortay

Soddon iyo shan qof ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay weerareen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Niger Khamiistii, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Waa weerarkii labaad ee ka dhaca dalkaas wax ka yar shan bilood gudahood.

Dadka ku nool waddankaas ay Muslimiintu ku badan yihiin, ayaa BBC-da u sheegay in markii ay ka baxeen salad subax, qaraxyo iyo dhawaq rasaas ah laga maqlay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani, oo ku yaal caasimadda Niamey.

Wasaaradda difaaca ee Niger ayaa sheegtay in dhimashada ay ka koobnayd 22 qof oo ah kooxihii weerarka soo qaaday iyo 11 askari, iyo laba qof oo rayid ah.

Fiidnimadii Khamiista, kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo gacan saar la leh Al-Qaacida, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Niger ayaa la dagaallamaysay kacdoon Islaamiyiin ah muddo toban sano ah, bishii Janaayo,urur lala xiriiriyay kooxda Dowladda Islaamiga ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar ka dhacay isla garoonka diyaaradaha.

Hub badan oo ay ku jiraan qoryaha RPG-7, qoryaha AK-47, walxaha qarxa, bam-gacmeedyo, qalabka isgaarsiinta iyo kumanaan rasaas ah ayaa sidoo kale la sheegay in la qabtay.

Agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa la xiray galabnimadii Khamiista, iyadoo ciidamada amniga ay baarayaan gawaarida soo galaya iyo kuwa ka baxaya aagga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles