Wednesday, March 4, 2026

Mareykanka oo sheegay in Duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelada Hoose

Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay, in ayaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeelada hoose, 19 bisha.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeynba lala beegsaday godad ay Al-Shabaab ay laheyd deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabeelada Hoose.

AFRICOM oo ay garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay sii wadaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda al-Shabaab ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarro halis ku ah Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniintiisa ee gudaha iyo dibadda.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale AFRICOM ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab iyo sidoo kale shaacin in dad rayid ay wax ku noqdeen duqeynta.

Washington ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale tababar iyo taageero ay siisaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ka dhacayay duqeymo lala beegsanayay maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles