Mareykanka oo sheegay inuu joojinayo weerarada lagu qaado Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerarrada ay “joojin doonaan dhowaan” kadib codsi ka yimid Iran.

Sida ay ku warrantay Fox News, Trump wuxuu wareysi ku sheegay inuu amar ku bixiyay in la hakiyo weerarro cusub oo ka dhan ah Iran kadib “wicis taleefoon oo toos ah oo ka yimid Iran” iyo codsi uu sameeyay mas’uul sare oo dalkaasi ah.

Dhanka kale, warbaahinta rasmiga ah ee ku dhow Ilaalada Kacaanka (IRGC) ee Iran ayaa si cad u diiday sheegashadaas, iyagoo ku tilmaamay “been” in Iran ay codsatay joojinta weerarrada.

Wariyaha Fox News ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu ku xusay wicitaanka telefoonka ah in weerarro lagu qaaday gudaha Iran ay ku lug lahaayeen gantaallada Tomahawk oo lagu bartilmaameedsaday raadaarada difaaca, xarumaha difaaca, iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

Weerarradaas ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha Iran, dhowr kiilomitir meel u jira magaalada caasimada ah ee Tehran.

Markii la weydiiyay su’aal ku saabsan suuragalnimada in Iran ay diido heshiiska uu Mareykanku soo jeediyay, Trump wuxuu ku jawaabay: “haddii ay diidaan, mar kale waa la duqeeyn doonaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles