Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) loo kordhiyo muddo 12 bilood ah, si uu si tartiib ah uga soo baxo Soomaaliya, halkii taageerada xafiiska si toos ah loo soo afjari lahaa dhammaadka sanadkan.
Sida ay qortay The EastAfrican, soo jeedinta ayaa ku xusan warqad aan rasmi ahayn oo loo yaqaan non-paper oo ay Washington la wadaagtay dhinacyada ay khuseyso. Qorshahan ayaa dhigaya in muddada kala-guurka ay bilaabato marka uu dhammaado waajibaadka hadda jira ee AUSSOM, oo ku eg 31-ka December 2026.
Tallaabadan ayaa muujinaysa in Mareykanku uu wax ka beddelay mowqifkiisii hore ee ahaa in taageerada UNSOS la soo afjaro dhammaadka 2026. Si kastaba, Washington weli ma taageerayo qorshaha Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku deeqay ee doonaya in taageerada UNSOS lagu kordhiyo muddo u dhexeysa 18 ilaa 24 bilood, sida ay sheegtay The EastAfrican.
UNSOS ayaa muhiim u ah howlgalada AUSSOM, maadaama uu bixiyo taageero saadka ah oo ay ka mid yihiin gaadiid, shidaal, adeegyo caafimaad, dayactirka qalabka iyo adeegyo kale oo howlgalada muhiim u ah. Qaramada Midoobayna waxay hadda UNSOS u fasaxday inay taageerto AUSSOM ilaa 31-ka December 2026.
Dalalka ciidamada ku deeqay, oo ay ka mid yihiin Kenya, Burundi, Itoobiya, Masar, Jabuuti iyo Uganda, ayaa doonaya waqti dheeraad ah oo lagu xaqiijiyo kala-guur nidaamsan iyo in la sii xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya.
Dhanka kale, UNSOS ayaa durba ku jira diyaar-garow la xiriira hoos u dhigidda howlaha iyo qorsheyaasha kala-guurka, iyadoo mustaqbalka xafiiska iyo taageerada uu siinayo AUSSOM ay weli qeyb ka yihiin wada-hadallada ka socda Golaha Ammaanka iyo dhinacyada ay arrintu khuseyso.
Soo jeedinta Mareykanka ayaa hadda noqon karta qeyb ka mid ah wadahadallada diblomaasiyadeed ee ku saabsan mustaqbalka taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalada amniga Soomaaliya, iyadoo go’aanka kama dambaysta ah uu u baahan yahay wadahadal iyo hannaan Golaha Ammaanka ah.


