Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii roobab ka da’ay magaalada Muqdisho ay sababeen in biyo fariistaan waddooyin muhiim ah.

Wadooyinka ayaa fariistay biyo badan, kuwaasi oo gaadiidka iyo dadka ku adkeeyay isticmaalka waddooyinka iyo isu socodka magaalada.

Xaaladda ka dhalatay biyaha roobka ayaa saameysay isku socodka qeybo badan oo Muqdisho ah, iyadoo ay adkaatay in xildhibaanadu si fudud ku gaaraan xarunta Golaha Shacabka.

Roobka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay nolol maalmeedka shacabka, gaar ahaan dadka isticmaala waddooyinka ay biyuhu fariisteen.

Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee fadhiga Golaha Shacabka dib loo qaban doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles