Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii roobab ka da’ay magaalada Muqdisho ay sababeen in biyo fariistaan waddooyin muhiim ah.
Wadooyinka ayaa fariistay biyo badan, kuwaasi oo gaadiidka iyo dadka ku adkeeyay isticmaalka waddooyinka iyo isu socodka magaalada.
Xaaladda ka dhalatay biyaha roobka ayaa saameysay isku socodka qeybo badan oo Muqdisho ah, iyadoo ay adkaatay in xildhibaanadu si fudud ku gaaraan xarunta Golaha Shacabka.
Roobka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay nolol maalmeedka shacabka, gaar ahaan dadka isticmaala waddooyinka ay biyuhu fariisteen.
Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee fadhiga Golaha Shacabka dib loo qaban doono.


