DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay inay burburisay shabakado qarsoodi ah oo ay kooxda Al-Shabaab isku dayaysay inay ka dhex sameysato qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada NISA ka sameeyeen deegaannada Darusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye ayaa lagu soo qabtay 11 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin shabakadaha Al-Shabaab.

Sida ay NISA sheegtay, shabakadaha la burburiyay ayaa la diyaarinayay si ay u fuliyaan falal amni darro iyo howlgallo halis gelin kara shacabka iyo amniga caasimadda.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo agab kale oo ay hay’addu sheegtay in dadka la qabtay loogu talagalay inay u adeegsadaan fulinta qorshayaashooda.

NISA waxay sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallo joogto ah oo lagu fashilinayo qorshayaasha Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan, gaar ahaan kuwa isku dayaya inay si qarsoodi ah uga dhex shaqeystaan Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Hay’addu waxay xustay in howlgallada noocan ah ay muhiim u yihiin ka hortagga weerarro iyo falal amni darro oo ay kooxaha hubeysan qorsheyn karaan ka hor inta aysan fulin.

WARARKII KALE

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

Cirro oo Washington kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo safiirro

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Washington...

Shir qarsoodi ah oo Iran looga hadlayay oo ka dhacay Jarmalka

Sida ay sheegtay Axios, taliyeyaasha ciidamada Mareykanka, Israel iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles