Cirro oo Washington kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo safiirro

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Washington D.C. kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo safiirro ka socda dalal ka tirsan beesha caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda Maraykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga istiraatiijiga ah, amniga iyo xasilloonida gobolka, iyo sidoo kale arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga.

Sida lagu sheegay warbixinta kulanka, Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay doorka Somaliland ay ku leedahay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ah marinno muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamiga ah iyo amniga gobolka.

Cirro ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda ay Somaliland u leedahay inay noqoto “dal istiraatiiji ah oo la isku hallayn karo”, isaga oo Somaliland ku tilmaamay meel nabad iyo xasillooni leh, isla markaana leh hay’ado dowladeed oo shaqaynaya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee Somaliland iyo goobta ay kaga taallo Geeska Afrika, gaar ahaan marka la eego amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah booqashada uu Cirro ku joogo Washington, iyadoo xukuumaddiisu ay dadaallo diblomaasiyadeed ku waddo sidii ay u xoojin lahayd xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, isla markaana ay u soo bandhigi lahayd muhiimadda amni iyo dhaqaale ee ay Somaliland u leedahay gobolka.

Dhanka kale, warar laga helayo Washington ayaa muujinaya in siyaasadda rasmiga ah ee Maraykanka ee Somaliland aysan weli isbeddelin, iyadoo Aqalka Cad uu sheegay inaysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid mowqifka Washington ee arrinta Somaliland.

WARARKII KALE

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

Shir qarsoodi ah oo Iran looga hadlayay oo ka dhacay Jarmalka

Sida ay sheegtay Axios, taliyeyaasha ciidamada Mareykanka, Israel iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles