Cirro oo Washington kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo safiirro

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Washington D.C. kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Kongareeska Maraykanka iyo safiirro ka socda dalal ka tirsan beesha caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda Maraykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga istiraatiijiga ah, amniga iyo xasilloonida gobolka, iyo sidoo kale arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga.

Sida lagu sheegay warbixinta kulanka, Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay doorka Somaliland ay ku leedahay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ah marinno muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamiga ah iyo amniga gobolka.

Cirro ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda ay Somaliland u leedahay inay noqoto “dal istiraatiiji ah oo la isku hallayn karo”, isaga oo Somaliland ku tilmaamay meel nabad iyo xasillooni leh, isla markaana leh hay’ado dowladeed oo shaqaynaya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee Somaliland iyo goobta ay kaga taallo Geeska Afrika, gaar ahaan marka la eego amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah booqashada uu Cirro ku joogo Washington, iyadoo xukuumaddiisu ay dadaallo diblomaasiyadeed ku waddo sidii ay u xoojin lahayd xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, isla markaana ay u soo bandhigi lahayd muhiimadda amni iyo dhaqaale ee ay Somaliland u leedahay gobolka.

Dhanka kale, warar laga helayo Washington ayaa muujinaya in siyaasadda rasmiga ah ee Maraykanka ee Somaliland aysan weli isbeddelin, iyadoo Aqalka Cad uu sheegay inaysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid mowqifka Washington ee arrinta Somaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles