Sida ay sheegtay Axios, taliyeyaasha ciidamada Mareykanka, Israel iyo dhowr dal oo Carbeed ayaa toddobaadkii hore kulan albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Jarmalka.
Kulanka oo uu abaabulay taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka, Admiral Brad Cooper, ayaa looga hadlay dagaalka Iran iyo xiisadaha gobolka.
Waxaa ka qeybgalay saraakiil sare oo ka socday Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Kuwait, Qadar, Urdun iyo Masar.
Axios ayaa sheegtay in saraakiisha Mareykanku ay dalalka gobolka u xaqiijiyeen in Washington aysan qorsheyneyn inay ka baxdo gobolka, inkastoo Iran ay weerarro ku qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka.


