Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey shir-madaxeedkii Brussels Khamiistii in ay ka shaqeeyaan sidii loo dabooli lahaa “baahida dhaqaale ee degdegga ah ee Ukraine” labada sano ee soo socota.
Si kastaba ha ahaatee, qoraalka heshiiska u dhexeeya hogaamiyayaasha Midowga Yurub si cad uguma darin ansixinta qorshe lagu isticmaalayo hantida laga xannibay Ruushka ee Yurub si Kyiv loo siiyo “amaah magdhow ah” oo qiimaheedu dhan yahay 140 bilyan oo Yuuro ($ 163 bilyan).
Walaac dhanka sharciga ah ayaa ka jira isticmaalka hantida Ruushka ee la xannibay. Ruushka ayaa arrintan marar badan ka digay


