Wednesday, March 4, 2026

Maxay ka wadahadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Francesca Di Mauro iyo kuxigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo sidoo kale shuruucda muhiimka ah ee hortaala Golaha Shacabka.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadcelisay soo dhoweyntiisa diirran, waxayna bogaadisay dadaallada Golaha Shacabka ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna sidoo kale caddeysay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka si loo sii xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn dalka kusoo dhoweeyay safiirka cusub ee midowga Yurub ayaa warbixin ka siiyay shaqada Golaha gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka qodobada ka harsan iyo sidoo kale shuruucda kale ee dhameystirka dowlad dhiska muhiimka u ah.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn ka qabaan dowladooda iyo Baarlamaanka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo Dastuur dhameystiran iyo shuruuc waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles