Wednesday, September 10, 2025

Maxay ka wadahadleen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Francesca Di Mauro iyo kuxigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo sidoo kale shuruucda muhiimka ah ee hortaala Golaha Shacabka.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadcelisay soo dhoweyntiisa diirran, waxayna bogaadisay dadaallada Golaha Shacabka ee ku aaddan ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna sidoo kale caddeysay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka si loo sii xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn dalka kusoo dhoweeyay safiirka cusub ee midowga Yurub ayaa warbixin ka siiyay shaqada Golaha gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka qodobada ka harsan iyo sidoo kale shuruucda kale ee dhameystirka dowlad dhiska muhiimka u ah.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn ka qabaan dowladooda iyo Baarlamaanka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo Dastuur dhameystiran iyo shuruuc waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NISA oo duqeyn ku dishay maskaxdii ka dambeysay weerarkii ka dhacay Ceel-gaabta

Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo...

DFS oo si kulul u cambaareysey weerarka Israel ka geystay Qatar

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa...

Qatar oo cambaareysay weerarka ay Israa’iil ku dishay xubno Xamaas ah

Ciidamada Yuhuudda ayaa sheegay inay duqeynta oo ay fulisay...

Qaraxyo ka dhacay Doha, iyo Israa’iil oo beegsaday madaxda Xamaas

Qaraxyo dhowr ah ayaa goor dhow ka dhacay caasimadda...

Puntland oo qabatay xubno ka tirsan Firxadka Daacish oo gali rabay Boosaaso

Ciidanka Booliiska maamulka Puntland ayaa saakay Aroortii ka qabtay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles