Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa maanta lagu qabanayaa Shirka Isbaddelka Cimillada Afrika, kaas oo lagu falanqeynayo saamaynta taban ee cimilladu ku yeelatay qaaradda iyo xalalka ay dalalka Afrika wadajirka uga hortagi karaan.

Shirkan oo ah meertadiisa labaad, ayaa lagu lafa-gurayaa qorshe mideysan oo ay Madaxda Afrika ku wajahaan khataraha sii kordhaya ee isbeddelka cimilada, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa iskaashi iyo tallaabooyin wax ku ool ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeedinaya shirka, isagoo ka hadli doona saamaynta isbeddelka cimilada ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhashay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar-gaar ah la yeelan doona madaxda ka qaybgaleysa, oo ay ka mid yihiin ,Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya, William Ruto
iyo mas’uuliyiin kale oo caalami ah.

Dhanka kale, madaxda Afrika ee ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona munaasabadda furitaanka Biyo-xireenka Webiga Nile (GERD), oo Itoobiya ay dhawaan dhismahiisa soo gaba-gabeysay.

Hase yeeshee, dowladda Masar ayaa si cad uga soo horjeeda mashruuca biyo-xireenka.

Qodobkan ayaa weli xiisad siyaasadeed ka dhex abuuraya Addis Ababa, Qaahira iyo Khartoum.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles