Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa maanta lagu qabanayaa Shirka Isbaddelka Cimillada Afrika, kaas oo lagu falanqeynayo saamaynta taban ee cimilladu ku yeelatay qaaradda iyo xalalka ay dalalka Afrika wadajirka uga hortagi karaan.

Shirkan oo ah meertadiisa labaad, ayaa lagu lafa-gurayaa qorshe mideysan oo ay Madaxda Afrika ku wajahaan khataraha sii kordhaya ee isbeddelka cimilada, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa iskaashi iyo tallaabooyin wax ku ool ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeedinaya shirka, isagoo ka hadli doona saamaynta isbeddelka cimilada ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhashay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar-gaar ah la yeelan doona madaxda ka qaybgaleysa, oo ay ka mid yihiin ,Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya, William Ruto
iyo mas’uuliyiin kale oo caalami ah.

Dhanka kale, madaxda Afrika ee ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona munaasabadda furitaanka Biyo-xireenka Webiga Nile (GERD), oo Itoobiya ay dhawaan dhismahiisa soo gaba-gabeysay.

Hase yeeshee, dowladda Masar ayaa si cad uga soo horjeeda mashruuca biyo-xireenka.

Qodobkan ayaa weli xiisad siyaasadeed ka dhex abuuraya Addis Ababa, Qaahira iyo Khartoum.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles