Monday, July 20, 2026

Ciidanka DFS iyo Kuwa Jubbaland oo dagaal ka dhacay Jubbada Hoose ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

Intii uu socday howlgalka, diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeymo culus oo lagu beegsaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaanka ciidanka.

Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay xarumo ay kooxda Al-shabaab ku lahaayeen deegaanada Sanguuni, Muusa Xaaji, Araare, Koban iyo Bangeeni, halkaas oo ciidanku ku xaqiijiyeen amniga tuulooyin badan oo hareeraha wabiga Jubba ku yaalla.

Sidoo kale, ciidamada ayaa dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyay dhanka kale ee wabiga, gaar ahaan deegaannada Jiibey, Malaaley, Janaale Jaay iyo Soo Mareey, waxaana halkaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, tiro kalena waa lagu dhaawacay. Ciidamadu waxay sidoo kale fashiliyeen miinooyin badan oo loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo shacabka.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Ku-simaha Taliyaha Booliska Jubbada Hoose G/Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor, iyo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Sare Nuur Mahad Xasan, iyadoo ay qayb ka ahaayeen guutada gaarka ah ee Danab iyo ciidamada Jubbaland, taageero cirka ahna ka helayay AFRICOM.

Ciidamada ayaa sidoo kale dib u furay qeybo ka mid ah waddooyin xirnaa, kuwaas oo horey u saameeyay fatahaadaha wabiga Jubba, iyagoo halkaas ka hirgeliyay fariisimo ciidan cusub oo lagu maamuli doono hawlgallada socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles