Ciidanka DFS iyo Kuwa Jubbaland oo dagaal ka dhacay Jubbada Hoose ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

Intii uu socday howlgalka, diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeymo culus oo lagu beegsaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaanka ciidanka.

Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay xarumo ay kooxda Al-shabaab ku lahaayeen deegaanada Sanguuni, Muusa Xaaji, Araare, Koban iyo Bangeeni, halkaas oo ciidanku ku xaqiijiyeen amniga tuulooyin badan oo hareeraha wabiga Jubba ku yaalla.

Sidoo kale, ciidamada ayaa dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyay dhanka kale ee wabiga, gaar ahaan deegaannada Jiibey, Malaaley, Janaale Jaay iyo Soo Mareey, waxaana halkaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, tiro kalena waa lagu dhaawacay. Ciidamadu waxay sidoo kale fashiliyeen miinooyin badan oo loogu talagalay in lagu waxyeelleeyo shacabka.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Ku-simaha Taliyaha Booliska Jubbada Hoose G/Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor, iyo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Sare Nuur Mahad Xasan, iyadoo ay qayb ka ahaayeen guutada gaarka ah ee Danab iyo ciidamada Jubbaland, taageero cirka ahna ka helayay AFRICOM.

Ciidamada ayaa sidoo kale dib u furay qeybo ka mid ah waddooyin xirnaa, kuwaas oo horey u saameeyay fatahaadaha wabiga Jubba, iyagoo halkaas ka hirgeliyay fariisimo ciidan cusub oo lagu maamuli doono hawlgallada socda.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles