Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo Racep Erdogan?

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa xarunta madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu yahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo garab istaagay shacabka Soomaaliyeed xilliyo adag oo taariikhi ah.

“Turkiga wuxuu mar kasta la garab taagnaa Soomaaliya hiil iyo hooba, Waa saaxiib muhiim ah oo door weyn ka qaadanaya dhismaha dowladnimada, horumarka, iyo nabadeynta dalka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhinaciisa, Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doonto taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.y xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada adag ee ka dhaxaysa labada dal ee walaalaha ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles