Wednesday, June 17, 2026

Maxay ka wadahadleen R/wasaare Xamsa iyo MW Jabuuti?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xaqiijisay muddadii ay shaqaynaysay guulo wax ku ool ah oo la xiriira dhinacyada horumarinta, amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulahaasi lagu gaaray iskaashiga iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. isaga oo ku amaanay doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ku leeyahay nabad iyo isku soo dhawaynta gobolka gaar ahaan ummadd Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles