Maxay ka wadahadleen RW Xamsa iyo Madaxa Ergada Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jaamicadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha waaweyn ee ay dowladdu xaqiijisay iyo fursadaha maalgashiga ee dalkeenna ka jira ee u baahan in ay maalgashadaan dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada dalkeenu qaniga ku yahay ee Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Tamarta, Batroolka iyo Macdanta.

Danjire Al-Otaibi, ayaa la soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa muhiimadda ay leedahay qorshe ururku wado oo lagu xoojinayo barashada luuqadda Carabiga, maadaama ay Soomaaliya tahay dal Muslim ah xubinna ka ah Jaamicadda Carabta, isla markaana dastruurkeena uu qorayo luqadda labaad ee dalka in ay tahay Carabi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles