Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Qaahira gelinkii dambe ee Sabtidii dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha Masar.

Kulankan ayaa dhacay intii uu socday Shirka Labaad ee Heer Wasiir ee Madasha Wada-hadalka Ruushka iyo Afrika, oo ka qabsoomay Qaahira 19–20 Diseembar 2025.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo amniga. Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda uu leeyahay iskaashi wax ku ool ah oo gacan ka geysta xasilloonida iyo horumar waara.

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee Masar ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Masar, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhismaha awoodda hay’adaha. Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada heer gobol si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa, Wasiir Dr. Badr Abdelatty ayaa bogaadiyay horumarka wanaagsan ee xiriirka Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna mar kale xaqiijiyay ballanqaadka Masar ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal. Wuxuu tilmaamay in dib-u-furista Safaaradda Masar ee Muqdisho ay fududeyn doonto wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhow iyo isku-duwid ka wanaagsan oo u dhexeysa labada dowladood.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda amniga ee gobolka, iyadoo Masar ay mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Masar ayaa sidoo kale adkaysay baahida loo qabo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo taageero Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo hubiyo guushiisa iyo waxtarkiisa.

Labada wasiir ayaa si wadajir ah carrabka ugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashi heer gobol iyo mid caalami ah si wax looga qabto khataraha ku wajahan nabadda iyo amniga gobolka.

WARARKII KALE

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles