Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa ku xukuntay taliye hore oo ka tirsan maleeshiyada Suudaan dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo uu ka geystay Darfur labaatan sano ka hor.
Cali Muxammad Cali Cabdulraxmaan ayaa lagu helay dambi ah inuu abaabulay dil, kufsi, jir dil iyo adoonsi.
Ninkan oo ku magac dheer Cali Kushayb, waxa uu hormood u ahaa Maleeshiyada Janjaweed, kuwaas oo dawladda Khartuum ay u adeegsan jirtay ololeheeda waxashnimada ah ee xasuuqa ah ee ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.
Waa uu diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay.


