Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo Maanta Dhageysanaysa Kiiskii Dilka Hooyo iyo Saddexdeeda Gabdhood loo geystay

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta dib u eegis ku sameyneysa kiiska, si ay u qiimeyso habraacyadii iyo caddaymaha la horgeeyay maxkamaddii hore, iyadoo dhinacyada dacwadda la siiyay fursad ay ku soo bandhigaan dooda iyo racfaankooda.

Goobta dhageysiga ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana ka qeybgalaya xubno ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil ciidan, ehelada dhibanayaasha iyo qoysaska eedeysanayaasha.

Kiiskan ayaa noqday mid ay si dhow ula socdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Galgaduud, maadaama uu ka mid yahay dhacdooyinkii ugu murugada badnaa ee sanadkan la diiwaangeliyo.

Garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka ayaa la filayaa in ay go’aanka kama dambaysta ah soo saaraan maalmaha soo socda, marka ay dhageystaan dhammaan dooda dhinacyada iyo caddeymaha cusub ee la horgeyn doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles