Wednesday, June 24, 2026

Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay hay’adaha gargaarka Qaza ee ay Israa’iil mamnuucday

Midowga Yurub ayaa sheegay in mamnuucida cusub ee ay Israa’iil saartay toddoba iyo soddon hay’adood oo gargaar ah oo ka shaqeeya Qaza iyo Daanta Galbeed ay hor istaagi doonto gargaarka lagu badbaadinayo nolosha Falastiiniyiinta dhibaataysan.

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay in hay’adahaasi ay ku guul-darreysteen bixinta faahfaahinta shaqsiyadeed ee shaqaalahooda Falastiiniyiinta ah, taas oo ay Israa’iil ku doodday in loo baahnaa si looga hortago in gargaar la siiyo ama looga faa’iideeyo ururka Xamaas.

Madaxa gargaarka bani’aadannimo ee Midowga Yurub, Hadja Lahbib, ayaa sheegtay in sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha uu si cad u qeexayo in gargaarku uu gaaro dadka u baahan.

Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in gargaarka weli la gaarsiin karo iyada oo loo marayo waddooyin la ansixiyay, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay. Dowladda Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in xayiraadahan ay dhaqan geli doonaan laga bilaabo kowda Janaayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles