Militeriga Soomaaliya oo dayac tir ku sameeyay Buundada Bariiri iyo Taliye Sahal oo tagay deegaanka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddo kooban ku guuleystay inay dib u dayactiraan buundada muhiimka ah ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay hore u burburiyeen maleeshiyada Al-shabaab horaantii sanadkan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa gaaray deegaanka Bariire si uu u kormeero howlaha socda iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Intii uu joogay, Taliyuhu waxa uu indha-indheyn ku sameeyay goobaha muhiimka ah, gaar ahaan buundada dib loo dhisay, isaga oo ciidamada uga mahadceliyay sida ay shacabka ula garab taagan yihiin ilaalinta amniga iyo adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Gen. Khaalid waxa uu kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, isaga oo bogaadiyay kaalintooda naf-hurnimada leh.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa caddeeyay in howlgalka “Duufaanta Aamusan” uu si xoogan uga socdo gobollada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, islamarkaana dhowaan laga xoreyn doono deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles