Mooshin laga gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la baabi’iyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ku dhawaaqay in la laalay soo jeedintii xildhibaanno ka tirsan Golaha ay ku dalbanayeen xil-ka-qaadista Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

Go’aanka ayaa yimid kadib markii guddoonku uu hubiyay saxiixyada xildhibaannada ku lifaaqnaa soo jeedinta. Baaritaanka kadib, qaar ka mid ah xildhibaannada magacyadooda iyo saxiixyadooda lagu daray qoraalka ayaa sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn soo jeedinta.

Waxa uu Guddoomiye Jaamac sheegay in sababahaas awgeed in mooshinku uusan soo buuxin shuruudihii looga baahnaa sidaa darteedna guddoonku uu joojiyay.

“Qodobka 75-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka waxa uu qeexayo habraaca soo jeedimaha noocan ah, islamarkaana uu dhigayo in soo jeedintu noqoto qoraal ay saxiixeen tirada xildhibaannada uu xeerku farayo.”ayuu yiri guddoomiye Jaamac.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xeer-hoosaadku siinayo guddoonka awood uu ku soo celin karo ama ku laali karo soo jeedin aan buuxin shuruudaha iyo habraacyada loo baahan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Jaamac ayaa caddeeyay in go’aanka lagu laalay soo jeedintan uusan meesha ka saarayn xaqa dastuuriga ah ee xildhibaannada. Waxa uu sheegay inay mar kale soo gudbin karaan soo jeedin la xiriirta la-xisaabtanka xukuumadda, haddii ay buuxiso shuruudaha dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Mareykanka oo duqeeyay maraakiibta shidaalka ee Iran

Ciidamada Maraykanka ayaa weeraray shan markab oo nooca qaada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles