War-murtiyeedka ayaa si toos ah loogu eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu wiiqayo heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa dhismaha Jamhuuriyadda Saddexaad, ayna arrintaasi halis ku tahay wadajirka ummadda iyo hannaanka dowlad-dhisidda dalka.
Madashu waxay ku dhaliishay madaxweynaha inuu dhaawacay mabda’a wadajirka iyo is-qadarin siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka federaalka, iyagoo uga digay ficillo ay ku tilmaameen mid hurinaya khilaaf siyaasadeed, gaar ahaan waxa ay ugu yeereen faquuqa siyaasadeed ee lagula dhaqmo dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo xaaladda cakiran ee Gobolka Gedo.
Dhanka amniga, Madasha waxay shacabka iyo dowladda ugu baaqday midnimo qaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, waxay dhaliil u jeediyeen istiraatiijiyadda dowladda ee la dagaalanka argagixisada, iyagoo xusay in la dayacay ciidamada xoogga dalka iyo halgamayaasha deegaanka ee safka hore kaga jira dagaalka.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyey muddo xileedka dhammaaday ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed, iyagoo ku tilmaamay muddo kordhinta iyo ku biirista xisbiga madaxweynaha inay yihiin tallaabooyin sharci darro ah oo la xiriira damac muddo kororsi.
Madashu waxay si cad ugu baaqday in la qabto kulan qaran oo ay ka qeyb galaan madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si looga tashado badbaadinta dalka, loona mideeyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada.
Waxay sidoo kale adkeeyeen in loo baahan yahay xal waara oo laga gaaro khilaafaadka ka taagan:
Dib-u-eegista dastuurka
Doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn
Maamulka dhaqaalaha dalka
Heshiisyada ku saabsan khayraadka dabiiciga ah
Ugu dambeyn, Madasha Samata-bixinta waxay ku baaqeen in si degdeg ah dib loogu bilaabo wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, si looga hortago ajandayaal shisheeye oo lagu doonayo kala qaybinta ummadda Soomaaliyeed.