Wednesday, July 9, 2025

Weerar lagu qaaday fariisin ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Galgaduud

Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah ayaa xalay fuliyey weerar qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Ceel La Helay ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday ayaa lagu beegsaday saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas. Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, ciidamada huwanta ah ayaa gaarsiiyay khasaare xooggan Al-Shabaab, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kooxda soo gaaray.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya  in Al-Shabaab ay wadeen qorshayaal weerar ah, balse ciidamada Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa qaaday tallaabo ka hortag ah oo fashilisay qorshahooda.

Saraakiisha ammaanka ee Galmudug iyo hoggaanka deegaanka weli kama hadlin faahfaahinta rasmiga ah ee howlgalka iyo khasaaraha la gaarsiiyay Al-Shabaab. Ciidamada ayaa si nabad ah ugu laabtay saldhigyadoodii markii uu dhammaaday weerarka.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, si loo sugo amniga deegaannada ka tirsan gobolka Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles