Weerar lagu qaaday fariisin ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Galgaduud

Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah ayaa xalay fuliyey weerar qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Ceel La Helay ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday ayaa lagu beegsaday saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas. Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, ciidamada huwanta ah ayaa gaarsiiyay khasaare xooggan Al-Shabaab, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kooxda soo gaaray.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya  in Al-Shabaab ay wadeen qorshayaal weerar ah, balse ciidamada Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa qaaday tallaabo ka hortag ah oo fashilisay qorshahooda.

Saraakiisha ammaanka ee Galmudug iyo hoggaanka deegaanka weli kama hadlin faahfaahinta rasmiga ah ee howlgalka iyo khasaaraha la gaarsiiyay Al-Shabaab. Ciidamada ayaa si nabad ah ugu laabtay saldhigyadoodii markii uu dhammaaday weerarka.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, si loo sugo amniga deegaannada ka tirsan gobolka Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles