Turkiga oo sheegay inuu Soomaaliya ka taageeri doono amniga iyo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Intii uu socday wadahadalkooda, labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga dadaallada miro-dhalka leh ee nabadeed iyo wada-hadalka la xiriira kooxda PKK, isaga oo sidoo kale bogaadiyey kaalinta muuqata ee Turkigu ku leeyahay taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhinaciisa, Madaxweyne Erdoğan ayaa mar kale xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doono taageerada uu u hayo Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo adeegyada bulshada.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, iyada oo xiriirka ka dhexeeya labada dal uu sii xoogeysanayo sanadihii u dambeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles