Turkiga oo sheegay inuu Soomaaliya ka taageeri doono amniga iyo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Intii uu socday wadahadalkooda, labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga dadaallada miro-dhalka leh ee nabadeed iyo wada-hadalka la xiriira kooxda PKK, isaga oo sidoo kale bogaadiyey kaalinta muuqata ee Turkigu ku leeyahay taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhinaciisa, Madaxweyne Erdoğan ayaa mar kale xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doono taageerada uu u hayo Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo adeegyada bulshada.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, iyada oo xiriirka ka dhexeeya labada dal uu sii xoogeysanayo sanadihii u dambeeyay.

WARARKII KALE

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles