MW Xasan Sheekh iyo maamulada taageersan oo soo saarah war xasaasi ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ), kaas oo ku qabsoomay qaab fogaan-arag, islamarkaana diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed, amni, doorashooyin iyo arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulanka uga hadlay xaaladaha ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan:

dadaallada Dowladda Federaalka ee adkeynta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,

xaaladda abaaraha ee ka jirta qeybo badan oo dalka ah,

la dagaallanka argagixisada,

iyo dardargelinta doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha deegaannada iyo dowlad-goboleedyada.

Kaddib dood iyo falanqeyn dheer, Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu soo saaray qodobadan go’aannada ah:

Golaha wuxuu si buuxda u taageeray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gudashada waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta gobannimada, sharafka, midnimada dhuleed iyo wadajirka bulsho ee dalka.

Golaha wuxuu bogaadiyey qabsoomidda doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, waaya-aragnimadii laga helayna wuxuu ku tilmaamay mid muhiim u ah hannaanka doorashooyinka dalka, isagoo isla gartay in la dardar-geliyo doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad-goboleedyada.

Golaha wuxuu soo dhaweynayaa taageerada Golaha Mustaqbalka ee casuumadda gogosha wadatashiga qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 1-da Febraayo 2026.

Golaha wuxuu si weyn u bogaadiyey guulaha ay ciidamada qalabka sida, iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed, ka gaareen dagaalladii u dambeeyay ee Khawaarijta.

Golaha wuxuu si cad ugu baaqay gurmad degdeg ah oo loo fidiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Golaha wuxuu u mahadceliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaagga xaqa Soomaaliya ee ilaalinta gobannimada iyo midnimadeeda dhuleed, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran ayaa loo arkaa mid xoojinaya wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, isla markaana muujinaya jihada siyaasadeed ee dalka ee ku wajahan midnimo qaran, amni waara, doorashooyin dimuqraadi ah iyo xasillooni siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles