Tuesday, June 30, 2026

MW Xasan Sheekh iyo Midowga Afrika oo ka wadahadlay xaalka Soomaaliya

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Salma Malik Haddadi, ayaa sheegtay inay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kaddib kulan ay la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, .

Salma Malik Haddadi ayaa sheegtay inay kulanka ku metelaysay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, , iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh u xaqiijisay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida.

Waxay ammaantay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo guulaha ay ciidamada Soomaaliyeed ka gaareen howlgallada ka dhanka ah kooxdaas. Sidoo kale, waxay soo dhoweysay dadaallada lagu hormarinayo wadahadal loo dhan yahay ka hor doorashada madaxtinimada ee soo socota, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray caqabadaha ka jira maalgelinta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo baahida loo qabo xalal waara, la isku halayn karo, isla markaana ay wadaagaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn xaqiijisay in Midowga Afrika uu sii xoojin doono iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya si loo hirgeliyo Ajendaha 2063, isla markaana uu garab istaagi doono dalka inta lagu jiro diyaar-garowga doorashooyinka soo socda.

WARARKII KALE

DFS oo sheegtay in duqeyn ay fuliyeen F-16-ka Turkiga lagu dilay xubno Ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 35...

MW Xasan Sheekh oo Weerar Afka ah ku qaaday Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu jeediyay...

Booliska Soomaaliya oo gubay Maandooriyeyaal lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay maandooriyeyaal kala duwan...

Erdogan“Muqdisho iyo Dalal Kale oo Muslim ah Waxay rajo ka qabaan Turkiga”

Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayib Erdoğan,  ayaa sheegay in Turkigu...

Q.M oo war ka soo saartay xaalada Koofur Afrika

Qaramada Midoobay (UN) ayaa sheegtay in ay si dhow...

Beesha Caalamka oo wadahadal siinaysa DF iyo Mucaaradka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles